Home Wararka Maanta Gudoomiye Cusub oo loo magacaabay Maxkamada Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan

Gudoomiye Cusub oo loo magacaabay Maxkamada Maxkamada Gobolka Banaadir iyo tan Racfaan

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana loo magacaabay guddoomiyaal cusub oo bedelaya kuwii xilka laga qaaday.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Garyaqaan Salah Ali Dabaan, waxa uuna booska kala wareegayaa guddoomiyihii hore ee maxkamada gobolka Garyaqaan Cabdiqadar Maxamed.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir isna  loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Saciid Gureey), oo horey wax badan uga soo shaqeeyay hay’adaha garsoorka dalka.

Isbadalkan lagu sameeyay garsoorka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadeysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh horey u ballanqaaday in isbadal ballaaran lagu sameenayo hay’addaha garsoorka dalka oo cabasho badan laga keenay

Ad
Previous articleRuushka oo diiday inay shaqaalaha ka baxaan warshadda tamarta nukliyeerka
Next articleCabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in gaadiidka maraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here