Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore ee dalka oo Balan qaaday inuu Dhameystirayo Dastuurka KMG ah...

Madaxweynihii Hore ee dalka oo Balan qaaday inuu Dhameystirayo Dastuurka KMG ah hadii Mar kale dib Loo doorto

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii uu markale dib loo doorto la dhamaystirayo dastuurka qabyada ah isla markaana shacabka looga qaadi lahaa afti.

Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa bartiisa facebook soo dhigey qoraal uu ugaga hadlayo sanadguurada lixdanaad ee ku beegan maalintii shacabka Soomaaliyeed ay ansixiyeen dastuur.

Qoraalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan;

Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 20June1961.

Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaaradda Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tusaalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.
60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa

Dastuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamaystirin.

Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’idnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dhamaystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soomaaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob shacab aan sameyno.

Ad
Previous articleSomaliya iyo Turkiga oo ka wadahadalay Xoojinta Xariinta labada dal.
Next articleDowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay Koox Afduub u gaysatay Gabdha Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here