Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Dalka ka Cayrisay Jacek Josef...

WAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Dalka ka Cayrisay Jacek Josef Ochman iyo Bernhard Gehlig

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaabi ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu ka codsaday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo isagu eedeyn culus u jeediyay labadaan ruux.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa labadaas ruux ku eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharuucda iyo xeerarka dalka, xilli uu dhawaanahan uu waday daba-gal uu ku hayo ajaanibta dalka ku sugan iyo shirkadahooda ka howl-gala caasimadda.

Labadaan Ruux oo lagu kala magacaabo Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, labadaan ruux waxaa ay ku xad gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka iyaga oo ka dhexbaxay anshaxa iyo dhaqanka diblomaasidadeed.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa Ka Dhacay Laasacaanood
Next articleXeer ilaalinta Qaranka oo war cusub ka soo saartay Haweeneeydii Dishay Caruurtii lagu aminayay ee ay korinaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here