Home galmudug Weriyaasha magaalada dhuusamareeb oo cabasho ka ah maanulka galmudug

Weriyaasha magaalada dhuusamareeb oo cabasho ka ah maanulka galmudug

0

Saxafiyiinta ku sugan magaalada dhuusamareeb ee caasimada galmudug ayaa sheegay in ay qabaan handadaad weriyaasha kaga imaanaysa madaxtooyada galmudug.

weriyaashaan ayaa si gaar ah u eedeeyay wasaarada warfaafinta galmudug, waxa ayna tilmaameen in aysan u dulqaadan doonin Handadaada lagula kacayo weriyaasha.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka saxafiyiinta

Dhamaaan Wariyaasha Dhuusamareeb waxa ay ka xun yihiin Wargalinta iyo Hanjabaada uga imaaneysa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada #Galmudug , waana Been abuur iyo Warar la doonayo in wariyaasha lagu qalqal galiyo Wararka uu Xafiisku u gudbiyay Qaar ka mid ah saxaafada kuwaa oo Lagu sheegayo in la xiray Wariyaal Dhuusamareeb ku sugan .

Hadaba Wasaarada warfaafinta Galmudug iyo Xafiisyada Warbaahinta maamulka u Qaabilsan oo dhowr jeer aan u Gudbiney Dhibaatooyin Baahsan oo saxaafada Dhuusamareeb ay wajaheyso ayaan markale ugu Celinaynaa in Lajoogo waqtigii Laga hortagi lahaa Xadgudubyo Markale dhaca .

Wabilaahi Towfiiq

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here