Home wararka Dalka soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday ka dib shirkii OIC (Sawiro)

soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday ka dib shirkii OIC (Sawiro)

0

Labada Wasiir ee Arimaha Dibadda ee labada dal oo ka qayb galay shirka aan caadiga ahayn ee Waddama Iskaashiga Islaamku (OIC) ay ku qabteen magaalada Istanbul ee dalka Turkey 21-22 Maarso 2019 ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan iswaydaarsiga labada dhul ee safaaradaha labada dal ku kala leeyihiin Muqdisho iyo Ankara.

Shirkan oo uu ku baaqay madaxweynaha dalka Turkey Mudane Recep Tayyip Erdogan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalalka Iskaashiga Islaamku waxaa lagu muujinayey dareenka caalamka Islaamku ka qabo dhacdadii Jimcadii la soo dhaafay ee 15 Maarso ka dhacday magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ee lagu laayeey dad muslimiin ah oo salaaddii Jimce tukanaya.

Shirkan oo uu shir guddoominayey Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Turkey oo hadda ah guddoonka Waddamada Iskaashiga Islaamka waxaa laga soo saaray qoraal lagu dhaleecaynayo fikirka caalamka ku soo kordhaya ee Islaam nacayb ka ah ee loo yaqaan (Islamophobia) iyada oo loogu baaqay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobolba in loo aqoonsado maalinta 15 Maarso maalin caalami ah oo lagu hor-istaago fikirka iyo falalka Islaam-nacaybka.

Waxaa isaguna shirka lagu casumay oo joogey Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka New Zealand H. E Winston Peters oo khudbad qiiro leh ka jeediyey shirka, iyada oo ka soo qayb galayaashii shirku ku bogaadiyeen go’aanka iyo doorka wanaagsan ee xukuumadda New Zealand ay ka qaadatay dhacdadan gaar ahaan Raysal Wasaaraha dalka H. E Jacinda Ardern.

Shirkan oo la qabtay asbuuc ka dib maalintii dhibaatadu dhacday waxay ka soo qayb galayaashii shirku ku ammaaneen dawladda Turkey sida fiican ee ay u soo agaasintay waxaana soo xidhay shirka madaxweynaha dalka Turkey Mudane Recep Tayyip Erdogan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here