Home Wararka caalamka Masaajidada ku taala Dalka New Zealand oo salaadii jimcaha laga wada shiday...

Masaajidada ku taala Dalka New Zealand oo salaadii jimcaha laga wada shiday Aadaanka salaada

0

Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.

Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay.
Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”.

50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here