Home Wararka caalamka Masaajida ku yaala dalka ingiriiska oo aad loo adkeeyay si werar looga...

Masaajida ku yaala dalka ingiriiska oo aad loo adkeeyay si werar looga gaysan

0

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka masaajidyada ku yaala agagaarka magaalada Birmingham ee dalka In giriiska ka dib markii shan qof weerar lala beegsaday.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa la shaaciyey ka dib markii subaxnimadii Khamiista ahayd la dhagaxeeyey daaqadaha masaajidka.

Wali lama xaqiijinin ujeedka laga lahaa weerarkan, sida ay sheegeen booliska galbeedka Midland.

Masaajidyada ku yaala daafaha caalamka ayaa sidoo kale la adkeeyey ammaankooda ka dib weerar dhimasho badan sababay Jimcihii lasoo dhaafay lala beegsaday masaajid ku yaala dalka New Zealand.

ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay weerarkaas halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Adil Parker, oo ka mid ah guddiga masaajid ku yaala magaalada Birmingham ayaa sheegay in bulshada ay dareemayso cabsi badan.
Saraakiisha ayaa ilaalinta masaajidka ku howlanaa tan iyo markii aan furnay subixii dambe.”

Waxaa sidoo kale dhibaato loo gaystay xarun diinta lagu baro Muslimiinta oo ku taala wadada Albert Road, ee magaalada Birmingham isla maanlintii Khamiista ahayd.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here