Home Wararka Somaliya Galmudug Mahad salaad iyo Qoor Qoor oo Shir Saacada Badan Qaatay ku yeeshay...

Mahad salaad iyo Qoor Qoor oo Shir Saacada Badan Qaatay ku yeeshay Dhuusamareeb Maxaa Looga Hadlay?

0

Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa Shalay Galinkii Danbe Gaaray Magaalada Dhuusamareeb Ujeedka Safarkaan oo ahaa Ah in mahad Salaad uu Hordhac u yahay Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne Xasan shiikh oo Ku Wajahan Dhuusamareeb.

Mahad Salaad ayaa Isla Xalay Shir Sacaado Badan Qaatay La Yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor kaas oo ay uga wada Hadleen Sadex Qodob:

Qodobka Kowaad ayaa Ahaa in Qoor Qoor laga Dhaadhacsiiyo in Ciidamada Galmudug laga Saaro Gudaha Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb isla Markaasna Lagu Wareejiyo amaanka Magaalada Ciidamo Dhawaan laga Keenaya Magaalada Muqdisho kuwaas oo Masuul ka ah Amaanka Madaxweyne Xasan Shiikh.

Qodobka Labaad ayaa Ahaa in Ciidamada Galmudug Guud ahaan Ka Qayb Qaataan Dagaalka Alshabaab looga Saaraayo Deegaanada Ay ka Joogaan Galmudug Wararka Hordhac aha ayaana Sheegaaya in Laisku Fahmay.

Qodobka Sadexaad ayaa Ahaa muda Xileedka U Harsan qoor Qoor kaas oo  ahaa Meesha Uga Adag oo aad looga Dooday Warar lagu kalsoonaan karo ayaa Mudug24 uu Sheegay in Dood Dheer kadib Qoor Qoor loo ogalaaday in Sanadkii Baarlamaanka Galmudug ugu Dareen lasiiyo Balse Shuruud adag lagu Xiray Taas oo ah in Markii Lagaaro Bisha 12naad ee Sanadkaan uu Qoro Warqad uu ku Ogalaanyo in Sanand kadib U iska Tagaayo Warqadaas ayaana Laisku Raacay in Lagu Wareejiyo Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Taas oo Uu Aqbalay Qoor Qoor.

Galmudug ayaa Laga Dareemaaya Doyaargarow Culus iyo Hub aruurso loogu Jiro Alshabaabka Kusugan Ceelbuur iyo Galhareeri oo Dhawaan  laga Saari Dooono.

Ad
Previous articleTaliye Mahad Salaad oo Gaaray Dhuusamareeb
Next articleXasan Macallin oo caddaalad degdeg ah u ballan-qaaday maxaabiista Xabsiga Dhexe isaga Xiran ee aan Maxkamad lasoo Taagin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here