Home wararka Dalka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed nuur oo cadeeyay farqiga udhaxeeya Madaxda dowlada iyo ciidamada...

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed nuur oo cadeeyay farqiga udhaxeeya Madaxda dowlada iyo ciidamada Kala duwan ee Qaranka (Akhriso)

0

Xildhibaan Cabdullahi maxamed nuur oo ka mid ah Mudanaasha golaha shacabka dalka ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada Haysata ciidamada Milateriga dalka, iyo dhaqaalaha ku baxa Masuuliyiinta Dowlada soomaaliya taas oo  ah mid aad u kala duwan.

Xildhibaanka ayaa aad u dhaliilay wasaarada Maaliyada dalka iyo sida ay u maarayso dhaqaalaha dalka, iyo shaqaalaha wasaaradaas qaarkood qarashaadka ku baxa

Halkaan ka akhriso Qoraalka xildhibaanka.

Mushaarka siyaasiyiinta dalka Waa $4000 ilaa $8000 bila walbana waa ay helaan.

Mushaarka Askagariga dhimanaya, dhaawacmayana waa $100 si joogta ahna uma helo, Askariga waxaa laga rabaa kiro guri, koronto, biyo, biil, caafimaadka caruurtooda iyo wax barashooda!

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta hela bil walba lacagaha faraha badan ee sare ku xusan waxaa ay abaal marin uga dhigaan ciidanka ku shaqaynaya duruufahaas adag aflaago.

Wasiir Wasaaradda Maaliyadda Abdirahman Ducaale Bayle oo shaqaalaha xafiiska hore u cadeeyay Hanti dhowraha qaranku in ay sadax mushaar qaataan oo naas nuujis ah halki qofna ka mushaar badan yahay 100 Askari, asiguna bil walba si qaldan ugu tagri fala lacag ka badan 200,000 oo la mid ah mushaarka 2000 oo askari ayaa ku tilmaamay $100 ee ciidanka mar mar lasiiyo mid xaaraan ah!

Mar walba Waan taageerayaa in lasaxo wixi ka qaldan hay’adaha Dowlada gaar ahaan ciidamada balse marna lama aqbali karo in kuwa dalka iyo dadka u haya shaqada ugu adag loo gefo waana in uu Wasiir Bayle raali gelin ka bixiyo gefka uu u gaystay hay’adaha aminga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here