Home Wararka caalamka mid ka mid ah dadkii weerarkii New Zealand ku waayay ehelkeeda oo...

mid ka mid ah dadkii weerarkii New Zealand ku waayay ehelkeeda oo cafisay ninkii weerarka fuliyay

0

Maryam Gul waxay weerarkii masaajidyada dalka New Zealand ku weysay guud ahaan qoyskeeda oo ka koobnaa walaalkeed, hooyadeed iyo Aabaheed.

Hase yeeshee waxay sheegtay iney cafisay ninkii toogashada geystay oo 50 ruux oo ay qoyskeeda ku jiraan ku laayay weerarkii dhacay maalintii Jimcada ee ay taariikhdu ku beegnayd 15-kii bishan Maarso.

iyadoo ku sugan Pakistan ay maqashay in waalidkeed iyo walaalkeed ay ku geeriyiideen weerarkii argagaxa lahaa ee loo geystay muslimiin cibaadeysaneysa.

“Adduunka hadda waxaan ku dareemayaa in qoyskeygi oo idil ay iga dhinteen, laakiin waxaan ogahay in markii aadan heysanin qof inuu Alle wehel kuu yahay, balse inaan la’aantood noolaado waxay igu noqon doontaa arrin aad u adag, cid kale ma heysanin wuxuu ahaa walaalka kaliya ee ila dhashay, waalidiinteydiina way raaceen”, ayay tidhi Maryam.

Walaalkeed Zeeshan Gul wuxuu New Zealand u guuray 4 sano ka hor, markaasoo uu ka tagay dalka Pakistan.
Waalidiintiisa ayaa markii ugu horreysay ku booqanayay meesha uu joogo, balse waxaa ku soo beegmay weerarka.

Maryam ayaa sheegtay in ay rumeysan weysay dhacdada, maadaama ay sugeysay in hooyadeed iyo aabaheed ay Pakistan kusoo laabtaan bisha dambe.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here