Home Wararka caalamka Madaxweynaha mareykanka oo ka hadlay xariirka ka dhaxeeya asiga iyo siyaasi caan...

Madaxweynaha mareykanka oo ka hadlay xariirka ka dhaxeeya asiga iyo siyaasi caan ah oo geeriyooday

0

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadal ku weeraray Senator-kii geerioyoday ee lagu magacaabi jiray John McCain, isagoo ka cabanaya in uusan mahad celin ah ka helin aaskii qaran ee uu u sameeyay.

“Waan sagootinay, laakiin anigu ma aanan taageersanayn John McCain,” ayuu yidhi madaxweyne Trump oo hadalkan sheegay mar uu booqanayay warshaqo ku yaalla gobolka Ohio.
MrTrump ayaa si isdaba joog ah maalmihii lasoo dhaafay eedeymo ugu jeedinayay siyaasiga geeriyooday oo Seenetor u ahaa gobolka Arizona, waxaana hadalladiisa ay dib u soo cusbooneysiiyeen murankii labadooda u dhaxeeyay ka hor inta uusan madaxweynaha noqonin.

Maxuu madaxwayne Trump yidhi?

Intii ay socotay booqashadii uu maalintii Arbacada ku tagay warshadda taangiyada ee magaalada Lima, ayuu madaxweynaha soo cusbooneysiiyay weerarka uu ku hayay Senator McCain.

“Waxaan u sameynay aaskii uu doonayay in loo sameeyo, taas oo madaxweyne ahaan la iiga baahan yahay inaan ansixiyo,” ayuu ku yidhi shaqaalaha warshadda.

“Aniga arrintan waxba igama galin, ma aanan helin mahadnaq, taasina waa iska caadi”.

Madaxweyne Trump ayaa oggolaaday in maydka McCain ay militariga kasoo duuliyaan Arizona ayna keenan Washington, laakiin koongareeska ayay aheyd cidii sida rasmi ah u oggolaaday markii dambe in senator-ka markii ugu danbeesay si fiican loo maamuuso.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay in McCain uusan shaqo fiican u qaban arimaha ciidamada, isagoo diidey in uu buriyo mashruuca Obama care waxuuna ku dhaleeceeyay in uu ka danbeeyay dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Wuxuu Trump eedeymahaas u jeediyay isagoo tix raacaya taageeradii uu McCain u muujiyay dagaalkii Ciraaq.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here