Home Wararka Maanta Qaraxii labaad oo Maanta Muqdisho ka dhacay iyo Faah Faahin ka Soo...

Qaraxii labaad oo Maanta Muqdisho ka dhacay iyo Faah Faahin ka Soo baxaya

0

Qaraxa sida la Sheegay Laga Soo Buuxiyay Gaari Ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada aada Villa Baydhabo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray Kolonyo ka tirsan AMISOM oo ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan AMISOM oo saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka shir kula yeeshay Xerada Villa Baydhabo.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo Shacab ah halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood wadada marayay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in burbur uu soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Qarax Miino Ayaa Maanta ka dhacay Degmada Wadajir Gaar ahaan Halka Loo yaqaano ceel-qalaw waxaana La qarxiyay Goob ay Fadhiisan jireen Ciidamada Minashiibiyada

Ad
Previous articleSanater Cabdi Qeybdiid oo Maanta is Diiwaan Galiyay (Sawiro)
Next articleGalmudug oo war ka Soo saartay Abaaraha ka Jira Deegaanada Galmudug, waxayna Baaq udireen Hay’adaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here