Home Wararka Maanta Ruushka oo maxkamad soo taagay afar nin oo lagu eedeeyay weerar ay...

Ruushka oo maxkamad soo taagay afar nin oo lagu eedeeyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo dalkaasi ka dhacay

0

Ruushka ayaa dacwad ku soo oogay afar nin oo ay ku sheegeen inay weerar ku dileen ugu yaraan 137 qof.

Afarta nin ee looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dableyda weerartay hoolka riwaayadaha ee magaalada Moscow ayaa ka soo hor muuqday maxkamad, iyadoo sida muuqata jirdil xun loo geystay, mid ayaa u muuqday in miyirkiisu uu liitu.

Waxaa lagu soo oogay fadhigii maqribnimo ee maxkamadda in ay galeen fal dambiyeed argagixisanimo. Maxkamada ayaa sheegtay in labo ay qirteen dambiga.

Ruushka ayaa u baroor diiqaya dadkii lagu laayay xasuuqii ka dhacay hoolka ruwaayadaha ee Crocus City. Ila aiyo hadda tirade dhimashada ayaan la so oaf meerin, maadaama wali maydad laga baarayo gudaha hoolka.

Waddanka oo dhan calanka saddex midablaha ah ee Ruushka ayaa babanaya isaga oo hoos la dajiyay kala bar halkii saree e uu ka Baban jiray.

Ad
Previous articleAjaanib Dhawaan Muqdisho lagu Xukumay oo Xabsiga Laga Siidaayay
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mandheera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here