Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya Degmo ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab...

Ciidamada Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya Degmo ka Tirsan Galmudug oo Alshabaab Haystaan lana Wareegay Tuulooyin Hoostaga

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa kaabiga ku haya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab

Sida ay sheegtay warbaahinta DF Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhamaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

“Kooxda Khawaariijta ah ee Al-Shabaab jab xoogan ayaa loogu geeystay weerarka lagu qaaday saldhigyadoodii deeganadaas” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta DF

Dhanka Kale Al-shabaab ayaa lagu eedeeyey inay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaasoo ay caawa hareeraha ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Saraakiisha ciidamada DF ee hogamainaya howlgalkaas ayaa sheegay iney saacadaha soo socda geli doonaan gudaha degmada Galcad oo ay muddo dheer xukumayeen Al-shabaab.

Ad
Previous articleSomaliland oo eedeysay babadoonadii ka Baxay Muqdisho eee Waanwaanta Waday
Next articleAlshabaab oo weerar Culus ku Qaaday Magaalo U dhow Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here