Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horreysay beeniyay jiritaanka warar soo baxayay oo sheegayay in mid kamid ah shaqaalaha baarlamaanka uu ku lug lahaa weerarkii hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Jaabiri oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, lana sheegay inuu leeyahay mid kamid ah raggii weerarkaasi geystay, uu yahay mid been abuur ah.
Waxa uu sheegay in ninkaasi uusan weligii ka shaqo gelin baarlamaanka, uusan ka tirsaneyn shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga meesha ka muuqdo uu yahay been abuur, shaqsiga meesha ka muuqdana uusan u shaqeyn Golaha Shacabka,” ayuu Cabdiraxmaan Jaabiri ku yiri qoraal uu soo saaray.
Kaarka la helay ee baarlaamka iska fogseyay ayaa waxaa ku qornaa qof lagu magacaabo Liibaan Maxamed Maxamuud oo shaqadiisuna ay ahayd “farsamo yaqaan” katirsanaa BF, sida ku qorneyd kaarka aqoonsiga ee la helay.
Goobta uu ku yaallo hoteelka la weeraray ayaa ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna ku yaallan kontoroolo ay adag tahay in si fudud looga soo gudbo, taasi oo muujineysa in dhinacyo kale ku lug leeyihiin weerarkaan ayna fududeeyeen.