Home Wararka caalamka Madaxweynaha Kazakhstan oo is casilay iyadoona ay soo baxayaan warar kala duwan

Madaxweynaha Kazakhstan oo is casilay iyadoona ay soo baxayaan warar kala duwan

0

Madaxwaynaha Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa iska casilay shaqadiisa, kadib 29 sano oo uu ahaa Madaxweynaha wadankaas

“Waxaan go’aansaday in aan shaqadeyda Madaxweynimo soo Afjaro ” ayuu Nazarbayev telefishinka Qaranka dalkaasi ka sheegay.

“Sannadkan waxaan qaban doonaa shaqadii ugu sarreysay muddo 30 sano ah, dadku waxay i siiyeen fursadda ah in aan noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Kazakhstan oo madaxbannaan, Sida ku cad dastuurka dalka, Kassim-Jomart Toqaev, afhayeenka baarlamaanka sare ee dalka ayaa hadda qaban doona madaxweynanimada, ayuu yiri Nazarbayev.

Nazabayev wuxuu sheegay in uu sii ahaan doono hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Nur Otan wuxuuna sii ahaan doonaa gudoomiyaha Golaha Ammaanka ee Madaxweynaha, kaas oo u ogolaan doona in uu sii haysto awoodaha muhiimka ah.

Nazarbayev, oo 78-jir ah, ayaa Kazakhstan hogaamiyay tan iyo 1989-kii, markii uu weli ka mid ahaa Midowga Soofiyeeti. Wuxuu awood u yeeshay inuu noqdo hogaamiyaha Xisbiga ee dalka Central Asia, kadibna waxaa loo doortay madaxweyne.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here