Home Wararka caalamka Dowlada Talyaaniga oo lacag deeq ah u celisay Dowlada sacuudiga

Dowlada Talyaaniga oo lacag deeq ah u celisay Dowlada sacuudiga

0

Guriga La Scala opera ee talyaaniga ayaa lacag ka badan €3 million (£2.5m; $3.4m) uso celinaya Sacuudiga Kaddib markii qorshaha maalgalinta ee boqortooyada ay sababtay banaan bax dadwayne.

Heshiiskan ayaa u saamixi lahaa wasiir dhaqanka ee sacuudiga in uu kursi ka helo guddiga.

Diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Sacuudi Carabiya ayaa u xiran baaritaanno lagu wado awgood, kaddib markii dilka saxafiga Jamal Khashoggi lagu qabtay qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee ku taala Istanbul bishii October.

Qorshaha iskaashiga waa la dhaleeceeyay waxaana dhaleeceeyay kooxaha xuquuqda u dooda iyo siyaasiyiinta.

Waxaannu si buuxda u go’aansannay inaanu soo celinno lacagta,” ayuu yiri madaxwaynaha opera house Giuseppe Sala, oo sidoo kale ah duqa magaalada Milan, warbaaxinta ayuu na la wadaagay ka dib markii uu kulan la yeeshay guddiga Isniintii.

Waxaan dib ugu laaban doonaa hoos. Waan arki doonaa haddii ay jiraan fursado kale oo wada shaqeyn ah. ” Sheekada Jamal Khashoggi ilaa iyo hadda lisku haystaa.

€ 3m oo la bixiyay ayaa qeyb ka ah € 15m oo la soo jeediyay qaybna ka aheed wada-shaqeyn shanta sano ee wasaaradda dhaqanka Saudi

Laakiin qorshaha ayaa keenay dhaleeceyn ballaaran , oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xisbigii talada haya ee Talyaaniga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here