Home Wararka Maanta Maxaa u sabab ah in uu COVID-19 ku dhaco Madaxweyne Xasan Sheekh?...

Maxaa u sabab ah in uu COVID-19 ku dhaco Madaxweyne Xasan Sheekh? Labo arrin mid ayay noqon kartaa.

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga helay cudurka COVID-19 kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Afhayeenka madaxweynaha, Cabdikariim Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka safmarka ah balse ay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

“Waxaa jirta in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laga helay [fayraska] COVID-19 maanta, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xaaladda caafimaadka ee madaxweynuhu aad bay u wanaagsan tahay, calaamadihii COVID-19-kana ma laha,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyay in madaxweynaha uu maanta dalka dib ugu soo laabtay howlihiisana uu si caadi ah u wato.

Sida uu madaxweynaha ugu dhacay cudurka

Afhayeenku ma faahfaahin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday cudurka. Laakiin waxaa la iswaydiin karaa sababta keentay in baaritaan caafimaad lagu sameeyo iyadoo aysan calaamado ka muuqan.

Saddexdii maalin ee ugu horraysay ee wafdiga madaxweynaha uu ku sugnaa waddanka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta waxaa loo karantiilay sababo la xiriira in cudurka laga helay xubno wafdigiisa ah.

Sida aan og nahay cudurka safmarka ah waxaa lagu kala qaadaa neefsiga, taabashada iyo ag joogga qof qaba cudurka.

Haddaba sida muuqata madaxweynaha ayaa macaamil toos ah la samaynayay xubnaha wafdigiisa ka hor baaritaanka caafimaad ee lagu ogaaday inay xanuunka qabaan.

Waxaa intaas sii dheer in madaxweynaha uu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Imaaraadka Carabta, xilli waddankaas uu faro ba’an ku hayo xanuunka.

Arbacadii ayay BBC-du ogaatay in labo xubnood oo ka tirsan wafdiga madaxweynaha u raacay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta laga helay calaamadaha COVID-19.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo markii la doortay 15-kii bishii May ee sanadkan.

Booqashada wafdiga madaxewyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta labo maalin. Laakiin kulankii ugu horreeyay wuxuu dhiggiisa Imaaraadka la qaatay shalay oo Khamiis ahayd.

Heerka COVID-19 ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay, iyadoo la diiwaangeliyo in ka badan 1,400 oo tiro maalinle ah. Tirada oo horay u ahayd 200 oo kiis maalintii waxay kordhaysay toddobaadkan.

Ad
Previous articleMadaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in Madaxweynaha uu la Kulmay isra’iil
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo R/W XAMZA oo ka hadlay xanuunka Caroona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here