Home Wararka caalamka Isbedelka Geeska Africa ka socda, iyo Hogaamiyaha itobiya oo qiimeen lagu...

Isbedelka Geeska Africa ka socda, iyo Hogaamiyaha itobiya oo qiimeen lagu sameeyay (akhriso)

0

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa wax badan ka qabtay siyaasadda dalka Itoobiya iyo geeska Afrika haddana waxaa jira waxyaabo uusan wax ka qabanin oo lagu dhaliilo.

Dr Abiy wuxuu saakay waabarigii uu booqasho uu ku tagay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shuxuubta Koonfureed ka tirsan, barakacayaashuna waxay Dr Abiy u soo jeediyeen cabashadooda iyo baahiyaha ay qabaan.

Dr Abiy wuxuu ballan qaaday in xukumaddiisa oo kaashaneysa hay’adaha samafalka ay gargaar bani aadaminimo oo degdeg ah la soo gaarayso, sidoo kalena ay gargaarkii ugu horreeyey dowladdu gaarsiisay maalintii shalay.

Hase ahaatee tan iyo intii uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay Ra’isul wasaare Dr Abiy Axmed bishi April 2018, wuxuu ku tallaabsaday tallaabbooyin aad loogu bogaadiyey oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba uu ka qabtay, waxaana tallaabbooyinkaasi ka mid ah:

Maxaabiista siyaasadeed oo xabsiyada ku jirtay oo dhan uu oodda ka qaaday.

Dhammaan xisbiyada iyo jabhadaha dal iyo dibadba ku sugnaa oo dowladda ka soo horjeeday oo uu cafis u fidiyey

Xorriyatul qawlka, dibadbaxyada iyo mudaharaadyada dowladda looga soo horjeedo oo uu fasaxay

muddada labaatanka sano ah dalkiisa kala dhaxeysay Eretriya oo uu soo afjarayShuruud dhawr ah oo hor taagneyd dimuqraadiyada iney ka hirgasho Itoobiya oo uu laalayJabuuti iyo Eretriya oo uu wada hadashiiyey si ay khilaafkooda u soo afjaraan

Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi FarmaajoGeeska Afrika wuxuu ka sameeyey isbahaysi waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretriya ay isku baheysanayaanCunaqabateyntii Eretriya saarnayd in laga qaado oo uu u ololeeyay kuna guuleystayXiriir intaa dheer uu la billaabay South Sudan, Sudan, uganda iwm…

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here