Home Wararka Maanta Sidee looga Ciiday Maantay Meel badan oo ka Mid ah Soomaaliya(Sawiro)

Sidee looga Ciiday Maantay Meel badan oo ka Mid ah Soomaaliya(Sawiro)

0

Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee caasimadaha dalka, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeedbwaxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaadda Ciida madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo shacabka kula dukaday Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, ayada oo sidoo kale saaladda Ciiidul-Fidriga si ballaaran looga oogay garoonnada iyo fagaarayaasha caasimadaha Somaliland.

Sidoo kale madaxweynihii horre ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiiro ka tirsan Golah Wasiirrada Somaliland ayaa iyaguna qaar kamid ah shacabka kula dukaday salaaddii Ciida Masjidka Ibraahim Dheere ee caasimada.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dadkii u badnaa oo ku dhintay Markab ku degay Jabuuti
Next articleAlshabaab oo Weerar ku Qaaday Gudaha Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here