Home Wararka caalamka nin Lagu Tuhmayo weerarkii New Zealand oo maxkamad la hor keenay

nin Lagu Tuhmayo weerarkii New Zealand oo maxkamad la hor keenay

0

Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand ee 49-ka qof lagu dilay ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan.

Waxaana la filayaa in lagusoo oogo dacwado dheeri ah.

Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in Mr Tarrant uu haystay afar buntukh iyo rukhsad dhanka hubka ah, waxayna intaas raacisay in “sharciyada hubka wax laga baddali doono”

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5-ta April markale maxkamadda la horkeeno.

Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980-kii.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here