Home wararka Dalka Madaxtooyada Soomaaliya oo hor istaagtay weriyaasha in ay tebiyaan Wararka ku saabsan...

Madaxtooyada Soomaaliya oo hor istaagtay weriyaasha in ay tebiyaan Wararka ku saabsan madaxweynaha jabuuti

0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa diiday in weriyaasha wararka doona (Reporter’ska) ay tagaan goobaha ayka jiraan wararka ku xeeran soo dhoweynta Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle.

Agaasimaha warfaafinta xaafiiska Madaxweynaha Candinuur Maxamed Axmed ayaa 12 saac gudahood hor istaagay in warbaahinta madaxa banaan ay si buuxda uga qeyb galaan tabinka wararka la xiriira Imaatinka Madaxweyne Ismaaciil Cumar geelle.

Warbaahinta Madaxa banaan ayaa loo diiday marka CameraMan-nada laga reebo in ay tagaan halkii madaxweynaha jabuuti lagu soo dhoweynayey oo aheyd garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

CameraManadii baxay iyagoo ku dhibaatoobay qoraxdii ay taagnaayeen ayaa hadana la isku hor gooyey muuqaalkii ay duuban lahaayeen, codna lama siin weriyaash oo intaas qoraxda taagnaa!

Caawa oo Xaflad soo dhoweyn ah loo sameynayo Madaxweynaha Jabuuti Warbaahinta Madax banaan Reporter’skii waa loo diiday ka qeyb galka xafladda, oo CameraMano kaliya ayaa la yiri ha aadaan, weriye aan xog ogaal u aheyn waxa uu soo tabinayo goormuu shacabka runta u sheegaya?

Wasaaradda warfaafinta ayaa la yiri waxay casuumayaan warbaahinta madaxa banaan, balse looma madax banaaneyn oo madaxtooyadda ayaa diiday in war doonayaasha la casuumo si war xaqiiq ah oo micna leh ay usoo tabiyaan.

Dhibaatada wardoonayaasha lagu hayo ayaa aad usii kordhaysa labadii sano ee lasoo dhaafay, ma jirto cid wqx ka qabanaysa, inagu dhibta nalaku hayo waan sheegaynaa, xitaa haba nala nacee!

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here