Home Wararka Maanta Alshabaab oo Qasaaro aan Caadi ahayn Lagu Gaarsiiyay Dagaal iyo Dowlada Oo...

Alshabaab oo Qasaaro aan Caadi ahayn Lagu Gaarsiiyay Dagaal iyo Dowlada Oo ka Hadashay

0

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ka badan 50 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidanka xoogga, kuwa Nabad Sugidda oo gacan ka helaya kuwa caalami ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo socday saacado badan oo xiriir ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Afcad ee gobalka Hiiraan, waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalkan guul kusoo dhammaaday jab xooggana lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland lagu laayay in ka badan 300 xubnood oo katirsan Al Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ay ka mid yihiin:-

1. Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji.

2. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji.

3. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji.

4. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad.

Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay goobo kala duwan.

Ad
Previous articleXasan Sheekh oo gaaray Itoobiya iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la Shaaciyay (Sawirro)
Next articleLaba Askari oo Dil aad looga naxay bil Ka Hor ka Gaystay Balad iyo Muqdisho oo Saakay la Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here