Home wararka Dalka Maxaad Kala Soctaa Safarka Madaxweynaha Jabuti uu ku imaanayo Magaalada Muqdisho.

Maxaad Kala Soctaa Safarka Madaxweynaha Jabuti uu ku imaanayo Magaalada Muqdisho.

0

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Sababta uu imaanaayo Muqdisho waxaa ay tahay in uu xariga ka jaro Mashaariic kala duwan oo dowladda Jabuuti ay ka hirgalisay magaalooyinka Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Geelle ayaa xariga ka jari doona Safaaradda Cusub ee Jabuuti oo ku taalla degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasoo la dhagax dhigay 2017-kii.

Booqashadiisa oo qaadan doonta labo maalin ayuu sidoo kale ku tagi doonaa Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Wiilwalaal.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here