Home Wararka Somaliya ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

ismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

0

Warbaahinta dalka Jabuuti ayaa laga soo daayay warka ku saabsan guusha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad ku soo baxay xilka madaxweynaha dalkaas doorashadii maalintii shalay dhacday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada  isaga oo sheegay in uu guuleystay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Geelle ayaa la sheegay in uu helay 89.41%  guud ahaan codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashada.

Meelaha qaar ayaa la sheegay in caqabado ay ka jireen gaar ahaan sida ay guddiyada doorashadu wax u maamulayeen.

Ismaaciil Cumar Geelle   ayaa xilka madaxweynaha dalka Jabuuti loo doortay sanadkii sanadkii 1999, waxaana uu noqonayaa mid ka mid ah madaxweynayaasha qaarradda ee xukunka dheer.

Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya ayaa Faah faahiyay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Baydhabo
Next articleBanaanbax Roob doon ah oo Cadaado Lagu qabtay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here