Home Wararka caalamka imisa Qof ayaa lagu Dilay Weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay New...

imisa Qof ayaa lagu Dilay Weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay New Sealand

0

Ugu Yaraan 49 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday labo Masjid oo ku yaal Magaalada Christchurch ee wadanka New Sealand, 48 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi oo dhacay xili lagu jiray Salaadii jimcaha

Ra’isul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern Sai ayaa cambaaraysay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay mid argagixiso. Waxa ay sheegay in 30 qof lagu dilay masjid lagu magacaabo Al-nuur, Halka 10 qofna lagu dilay masjid kale

Waxay sheegay in weerarkaasi loo qabqabtay 4 qof oo loo haysto xagjirno, balse aan hore ugu jirin liiska Booliiska ee dadka looga shakisan yahay fikaradaha xagjirnimada.

Waxay kaloo sheegtay in gacanta lagu dhigay nin 28 jir oo u dhashay wadankaasi Australia, Ninkan oo lagu magacaabo   reton Tarran ayaa ka mid ah cadaanka xagjirka ah ee necab Muslimiinta iyo soo galootiga.

Wuxuu ku daabacaya boggiisa facebooga qoraal ka kooban 74 bog oo uu ku faahfaahiyay sababka uu weerarka ugu qaadayo Muslimiinta, waxaa kaloo uu ku baaqay in dadka Turkida laga saaro qaarada Yurub

Dadka la dilay ayaa isugu jira caruur, haween iyo dad waayeel ah. Waxaa kaloo ku jira Soomaali ku cibaadaysanaysay Masjidka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here