Home galmudug Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulan ku qabtay Muqdisho (Sawiro)

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulan ku qabtay Muqdisho (Sawiro)

0

Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay waxgradka, siyaasiyiinta,aqooyahannada Beesha Karanle Hawiye, kaas oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa Xildhibaano iyo Sanataro ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Intuu uu socday kulankani ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatooyinka haatan ka jira Gaalmudug iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada soo socota ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday kulankani arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug, gaar ahaa beelaha wada daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa dadaal ugu jira, sidii loo hormarin lahaa Galmudug, xalna looga gaari lahaa khilaafyada hareeyay maamulkaasi.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here