Home wararka Dalka Madaxweynaha jabuuti oo muqdisho ku soo wajahan si uga qeyb galo Munaasabada...

Madaxweynaha jabuuti oo muqdisho ku soo wajahan si uga qeyb galo Munaasabada aqalka sare

0

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Sabtida la filayo in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdisho laba sano kadib.

Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

16 bishaan oo sabtida ku beegan ayaa la furayaa kalfadhiga Xubnaha aqalka sare ee dalka, waxaana Furaya madaxweyne farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Furitaanka kalfadhiga ismaaciil cumar gelle

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here