Home wararka Dalka Faah faahin Qarax ka dhacay isgooska bakaaraha ee muqdisho

Faah faahin Qarax ka dhacay isgooska bakaaraha ee muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxaysaa  Qarax Miino oo  ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dad ka ag dhaw isgooska bakaaraha ee muqdisho, Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska bakaaraha ee Muqdisho, waxaana qaraxday miino la geliyay Goob qashin qub ah.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel ku dhow fadhiisin Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Booliiska ay ku leeyihiin isgooska bakaaraha.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in aysan jirin Cid waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxaas, in kastoo ay ciidamadu qaraxa ka dib ay sameeyeen Howlgallo.

Qaraxaan ayaa yimid xilli maanta Qarax gaari loogu Xiray masuul ka tirsan C I D uu ka dhacay agagaarka isgooska shaqaalaha ee muqdisho, in kastoo uusan gaysan Qasaaro.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here