Home Wararka Maanta Soomaaliland oo War kasoo Saartay Aqoonsiga SSC Khaatumo ka heshay Dowlada Soomaaliya

Soomaaliland oo War kasoo Saartay Aqoonsiga SSC Khaatumo ka heshay Dowlada Soomaaliya

0

Xukuumadda Somaliland ay si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga ay shalay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa SSC loogu yeeray “maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan magaaladda Laascaanood,” ayada oo aqoonsiga la siiyay maamulka KMG ah ay ku tilmaamtay mid khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.

“Tallaabadan (aqoonsiga DF bixisay) waa weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada-jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waana arrin khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

“Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”

Somaliland ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, ayna ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dowlad dimuqraadi ah.

“Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadda.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

“Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dowladdu sii wadi doonta dadaallada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.”

Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, sida lagu yiri qoraalka.

Ad
Previous articleFarmaajo oo ka Horyimid Go,aan u Watay Madaxweyne Xasan Shiikh Taageerayna Puntland
Next article11 kun oo qof oo ku nool Soomaaliya oo Waqti kooban looga Helay Cudurkka HIV/AIDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here