Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay sheego cusub oo Somaliland ay ka sameysay...

Dowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay sheego cusub oo Somaliland ay ka sameysay maamulka hawada

0

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa looga jawaabay eedeyn uu maanta dowladda federaalka iyo maamulka hawada dalka u soo jeediyey Maareeyaha hay’adda duuliska ee maamulka Somaliland.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR)” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qoraalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliyasi heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee Class-A Airspace.”

Qoraalkaan ayaa jawaab u ah hadal maanta ka soo yeeray Maareeyaha hay’adda duulista ee maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdullaahi oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isagoo eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirta maamulka hawada dalka.

Maareeyahaan maamulka Somaliland u qaabilsan hawada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 6-dii sano ee lasoo dhaafay si khaldan uga faa’iideysatay maamulka hawada dalka, maadaama ay la wareegtay oo awooda aysan waxaba ka siin Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii hore heshiiska uu ahaa in labada dhinac ay isla maamulaan hawada, balse taasi aysan dhicin, isla markaana qalabkii Somaliland loogu talagalay uu iska yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

“Mudada 6 da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku tagrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyo” ayuu yiri Maareeya hay’adda duuliska ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulimaadyadii dhawaan laga celiyay hawada ee ku socday magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay arrin xadgudub ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawada Somaliland, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

“Maanta laga bilaabo wixii carqalad ka yimaada maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba, in anay Somaliland masuul ka ahayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu mar kale Cumar Sayid Cabdullaahi.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dib Uqabsaday Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Saaray iyo Cabsi ka Jirta Deegaano kale
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here