Home Wararka Maanta Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Sawiro)

Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Sawiro)

0

Madaxweynaha JFS mudane Musharrax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo is Diiwaangeliyay ayaa qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Xalay Ku Dhawaaqay in Markale u Hanqal Taagaayo inuu noqdo Markake Madaxweynaha Soomaaliya.

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax Halka Maantay in Ka Badan 25 oo Farmaajo uu ku jiro Qaateen.

Doorashada madaxweynaha ayaa la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

 

 

 

Ad
Previous articleinkabadan 25 Musharax Madaxweyne oo is Diiwaan galiyay Xili wali Diiwaan Galintu Socoto(Akhriso Magacyadooda)
Next articleHabraac Amniga Musharixiinta Madaxweynaha Oo La shaaciyay iyo Faramaajo Oo Hab maamus Gaar ah loo Sameeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here