Home Wararka Somaliya Puntland Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Salkana...

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Salkana ku haaya Arin yaab leh

0

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo shalay ku dagaalamay kala boobida Kaararka Raashinka Qaxootiga loogu talogalay ee ay bixiyaan Hay’addaha gargaarka ah, ayaa hadda ku wada sugan gudaha xarunta dawladda Hoose.

Odayaal dhaqan ayaa isku dayaya in ay heshiis dhexdhigaan, kaararkana u qeybiyaan si siman, xili bulshadii u baahnayd ee loogu talogalay aysan gaarin.

Masuuliyiinta Puntland ayaa la aaminsan yahay in ay ficiladan ku badan yihiin, marka loo eego hanaanka musuqmaasuqa oo sii gaamuraya/saldhiganaya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilo kahor la ogaaday in laga xaday Buskut loogu talo-galay Hooyadda iyo Dhallaanka, kaas oo ay bixiyeen Hay’addaha caalamiga ah, sidaas oo kale daawooyinka iyo agabyada xarumaha caafimaadka Hooyada aya dib suuqyada looga iibiyaa.

Ad
Previous article14 askari iyo Sarkaal Shabaab ah oo Lagu dilay Hiiraan
Next articleCiidamada amaanka oo fashilyay Qarax halis badnaa oo Jowhar Lagu aasay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here