Home Wararka Maanta Kumanaan qof oo doonaya in ay korsadaan gabadhan yar ee laga soo...

Kumanaan qof oo doonaya in ay korsadaan gabadhan yar ee laga soo saaray burburka dhisme ku dumay Dhulgariirki Dhacay

0

Tirada dadka hadda la og yahay in ay ku dhinteen dhulgariirradii Isniintii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa hadda kor u dhaaftay kow iyo labaatan kun. Kooxaha gurmadka ayaa wali isku dayaya inay helaan dad badbaaday – in ka badan sagaashan saacadood kadib dhulgariirka.

Haddaba iyadoo xaaladdan ay taagantahay ayaa haddana kumanaan qof waxay doonayaan in ay korsadaan gabar yar oo ku hoos dhalatay burburka dhismo ku dumay waqooyiga galbeed ee Suuriya, ka dib dhulgariirkii Isniinta.

Markii laga soo badbaadinayay dhismaha hoostiisa waxay xudunteedu ay wali ku dheganed hooyadeed, waxaana loo bixiyay magaca “Aaya” oo ah calaamad muujinaysa (Mucjiso) marka la eego sida yaabka leh ee Alle u badbaadiyay ilmaha yar.

Hooyadeed, aabaheed iyo dhamaan afar walaalaheed ah ayaa ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay magaalada Jindayris. Aaya ayaa hadda ku jirta cisbitaalka.

“Waxay ifka timid isniintii iyadoo xaalad xun ku jirto, nabarro, qabow iyo neefsashada oo ku yar ayaa jira,” ayuu yiri Hani Macruuf, oo ah dhakhtar carruurta isla markaana la socda xaaladda gabadhan yar.

Hadda waxay ku sugan tahay xaalad degganaan ah.

Muuqaallo muujinaya badbaadinta Aaya ayaa ku baahay baraha bulshada. Muuqaalka la soo bandhigay ayaa muujinaya nin ka soo ordaaya dhanka dhisme burburay korna u haya ilmo yar oo boor qariyay.

Khaliil al-Suwadi, oo ah ehel ay yihiin Aaya, oo halkaas ku sugnaa markii la soo saarayay, ayaa u geeyay Dr Macruuf oo ka howlgala Isbitaalka magaalada Afrin ee Suuriya.

Kumanaan kun oo qof oo baraha bulshada isticmaala ayaa hadda raadinaya faahfaahin ku saabsan xaaladda gabadhan yar si ay u korsadaan.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan korsado oo aan siiyo nolol wanaagsan,” ayuu yiri qof ka mid ha dadkaas.

Wariye ka tirsan telefishin laga leeyahay dalka Kuwayt ayaa yiri, “Diyaar ayaan u ahay inaan xanaaneeyo oo aan korsado ilamahan yar…hadii nidaamka sharcigu ii ogolaado.”

Maamulaha cisbitaalka, Khalid Attiah, ayaa sheegay in uu helay tobanaan wicitaano ah oo ka yimid dhammaan dadka adduunka oo dhan kuwaas oo doonaya inay korsadaan Aaya.

Magaalada ay ka soo jeeddo Aaya ee Jindayris, ayaa dadku wali waxa ay ka baarayeen dhismayaasha dumay eheladooda oo la la’yahay.

Wariye ku sugan halkaasi, oo lagu magacaabo Maxamed al-Adnan ayaa u sheegay BBC-da, “Xaaladdu waa masiibo, waxaa jira dad aad u badan oo ku hoos jira burburka,”.Wuxuu ku qiyaasay in 90% magaalada ay baaba’day, inta badanna gargaarka ilaa hadda ay ka heleen dadka deegaanka.

Samatabbixiyeyaal suuriyaan ah, oo dhamaantood aad u yaqaanna in dadka laga soo saaro burburka kana shaqeynayay muddo toban sano ka badan arrimahan gaarahaanna intii lagu jiray dagaalka sokeeye ee Suuriya, ayaa gacan ka geysanayay sidii burburka dhimayaasha magaalada Jindayris, dadka ku hoos jira looga soo saari lahaa.

“Samatabbixiyeyaashu waxay sidoo kale ku dambayn karaan inay noqdaan dhibanayaal sababtoo ah xaaladda dhismayaasha ma sugna,” ayuu yri Maxamed al-Kamel. Wuxuu intaa ku daray “Saddex mayd ayaan ka soo saarnay burburka dhisme, waxaanan u malaynaynaa inay jiraan qoys weli nool – waanu sii wadi doonnaa shaqada,”.

Suuriya, in ka badan 3,000 oo dhimasho ah ayaa laga soo sheegay dhulgariirkii ka dib.Tiradan kuma jiraan kuwa ku dhintay meelaha ay mucaaradku haystaan ee dalka.

Ad
Previous articleLaba eedaysane oo Gudaha Maxkamad jowhar oo uu ku Dhex Toogtay Qofkii soo eedeeyey
Next articleCulimada Somaliland oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here