Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Dowladda federaalka Soomaaliya oo dalab deg-deg ah oo ka...

War Deg Deg ah:Dowladda federaalka Soomaaliya oo dalab deg-deg ah oo ka dhan ah heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaareen Addis Ababa u dirtay….

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalab deg-deg ah oo ka dhan ah heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaareen Addis Ababa u dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka dalbatay inay shir deg deg ah isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsigaan.

Dalabka Soomaaliya ayaa ku qotoma in la qabto shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Ujeedka ayay ku sheegtay “si ay uga wada-hadlaan cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamul goboleedka Somaliland.”

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in arrintaan laga qaato mowqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xad-gudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax-banaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horey Baarlamaanka Jamaacadda Carabta ayaa bayaan culus ka soo saaray xad-gudubka Itoobiya ayaa lagu diiday damaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ku aadan badda Soomaaliya, kaasi oo dhalisay xiisad xoogan.

Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo wada-jirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la ixtiraamayo daris wanaagga.

“Dowladda Itoobiya waa inay dhowrto shuruucda caalamiga ah, kuna dhaqanto wada nooshaha daris wanaagga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo dalbatay in xarunta ururka Midowga Afrika laga raro Itoobiya Xili ay ku Xadgudubtay Bada Soomaaliya
Next articleQaabkee ayuu u Dhacay Dilka Horjoogihii Badda ee kooxda Al-Shabaab oo Magaalo Alshabaab maamulaan oo ku taal Mudug lagu dilay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here