Home Wararka Maanta P.M Xamza oo ku wajahan Kismaayo iyo Xog laga helay Ujeedka Safarkiisa

P.M Xamza oo ku wajahan Kismaayo iyo Xog laga helay Ujeedka Safarkiisa

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka dagi doono Jubbaland oo kamid ah meelaha ugu daran ee  ay ku dhufteen fatahaadaha ka jira inta badan gobollada dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu booqan doono deegaanada ay ku fataheen biyaha ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose iyo qoysaska soo barakacay.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda guud ee Jubbaland iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya halkaasi.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobollladaasi oo dhacay koonfurta dalkeenna Soomaaliya.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, inta badan deegaanada ku yaalla Jubbooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa todobaadkii hore booqday gobolka Gedo, isaga oo tegay degmada Doolow oo ay ku dhufteen fatahaado xoogan, wuxuuna booqday dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Guri Kuyaala Muqdisho oo La Qarxiyay
Next articlebaarlamaanka Puntland oo dhabar ka toogtay Qorshihii Siciid Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here