Home Wararka Maanta Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan oo Ka Tirsan Alshabaab ku toogtay Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo nin hubeysan oo Ka Tirsan Alshabaab ku toogtay Muqdisho.

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay goordhow ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay xubin ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ninka la toogtay uu hubeysnaa, isla-markaana uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada Canshuuraha oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uu qorsheynayay ninkan, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.

“Dhagar qabahaan ayaa ciidanku ku toogteen isgooska Xaafada Tabelaha Sheekh Ibrahim, isaga oo qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee deegaanka gaar ahaan kuwa aruuriya canshuuraha ee dowladda Hoose, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqeenta Ciidanka Booliska iyo Dadka Deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda, isaga oo ka dalbaday in wixii ay ka shakiyaan ay lasoo xiriiraan lambar gaaba

“Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska oo soo wac lanbarka gaabaan ee 991 hadii aad dareento culus Amnni.” ayaa lagu yiri farriinta Booliska Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladdda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socdo gobollada dalka oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Ad
Previous articleIlmo yar iyo dad kale oo nool oo 12 cisho ka dib burburka laga soo saaray
Next articleCiidanka Israa’iil oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here