Home Wararka Maanta Cabdi kariim Guleed oo Shaaciyay Danta Laga leeyahay Heshiiskii Muuse biixi...

Cabdi kariim Guleed oo Shaaciyay Danta Laga leeyahay Heshiiskii Muuse biixi iyo Abiya Axmed

0

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku saxiixdeen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa ay maanta dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay,” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed.

“Dowladda Soomaaliyeedna go’aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda,” ayuu ku daray Guuleed.

Marka laga reebo hadalka Guuleed, dowladda Soomaaliya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin tallaabada xadgudubka ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya ee uu ku dhaqaaqay Abiy Ahmed.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulan ka yeeshaan arrintan, halka madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu la hadlo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Ad
Previous articleFarmaajo oo Si Adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Bada Soomaaliya iyo Saxiixii Muusa Biixi
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortegi doona Xildhibaannada Labada Aqal oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here