Home puntland Faafaahin dheeraad ah Dilkii Boosaaso loogu geestay Suldaan Bashiir Koonte.

Faafaahin dheeraad ah Dilkii Boosaaso loogu geestay Suldaan Bashiir Koonte.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin hubeysan oo Maanta Masjidka Mubaarak ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ku dhex dilay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanada maamulka Puntland.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suldaan Bashiir Muuse Koonte,isla markaana uu toogtay Nin watay Bastoolad,kdaib markii dhowr rasaas uu la dhacay xili uu sugnaa Masjidka .

Sidoo kale  Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa ka mid ahaa Isimada Puntland, waxaana uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaastii lagu furay.

Ciidamada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa sida caadada aheyd gaaray goobta uu falka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka wada howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkii loo geystay Suldaan Bashiir.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Madaxweyne Deni ayaa laamaha amniga Magaalada Boosaaso ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay falkaas oo ka dhex-dhacay Masjidka Mubaarak,isla markaana Shacabka Boosaaso ku booriyay in ay si dhow ula shaqeyaan laamaha amniga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here