Home Wararka Maanta Hay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka...

Hay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka howlgala kadib Fadeexadii Shalay Ka Dhacday Garoonka aadan cadde

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal digniin oo ku socda shirkadaha duulimaadka Soomaaliya, kuwaa oo caado ka dhigtay in ay ku silciyaan dadka rakaabka gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Qoraalka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen  cabashooyin badan oo laga gudbiyay shirkadaha diyaaradaha oo dadka rakaabka ah waqti badan ku haya terminaalka garoonka diyaaradaha .

Shirkadaha diyaaradaha ayaa looga digay in 3 saacadood ka badan aysan rakaabka safraya garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin bad-qabka diyaaradaasi safarka u baxaeysa.

Shirkada Maandeeq oo shalay U Safraysay Gaalkacyo ayaa isku dayday inay Baajiso Rakaab Subixii Hore Soogalay Garoonka Aadan Cadde Rakaabkaas oo Gaaryay 50 Qof ayaa Diiday inay Ka Baxaan Gudaha Garoonka Taas oo Sababtay in Galinkii Danbe Dowladu Ku Qasabto in La aqaado Rakaabkaas.

Ad
Previous articleSiduu uu u dhacay Howlgalkii lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo Ka Dhacay Galmudug iyo Gaadiid laga Qabsaday(Sawirro)
Next articleMadfac ku dhacay beer ku taalla Janaale oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here