Home Wararka Maanta Xog laga helay wiil Soomaali ah oo Mareykanka ku dilay gacalisadiisa kahor...

Xog laga helay wiil Soomaali ah oo Mareykanka ku dilay gacalisadiisa kahor inta uusan is dilin

0

Waxaa goor dhow janaasada lagu tukanayaa meydadka wiil iyo gabar Soomaali ah, oo geeridoodu ay taabatay bulshada magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Cali Dirir oo 23 jir ahaa ayaa Khamiistii dilay Aasiya Muuse oo 23 jir ahayd oo xiriir jaceyl uu kala dhaxeeyay, kaddibna isaga ayaa is dilay.

Sheekh Horseed Nuux oo ka mid ah bulshada magaaladaas oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maanta meydadkan dhalinyaradan oo ay baaritaan ku socotay laga soo saaray isbitaalka lana qorsheynayo in salaadda Duhur kaddib waqtiga magaalada lagu tukan doono janaaso lana aasi doono.

“Dhalinyaradu waxay lahaayeen xiriir wuxuuna qorshuhu ahaa inay is guursadaan. Iyagoo jooga meesha baabuurka lagu baakimo ee guriga Cali hortiisa oo gudaha gaariga ku wada jira ayuu saddex xabbadood laabta kaga dhuftay gabadha isna durba madaxa ayuu iska toogtay,” ayuu yiri.

Isbitaalka ayaa loola cararay durba iyagoo naf yar ay kusii jirto, isbitaalka ayayna ku geeriyoodeen sida uu sheegay Sheekh Horseed.

Lama oga in kahor dilka ay murmeen Cali iyo Aasiya, balse wuxuu Sheekh Horseed sheegay inaan hore loo ogeyn khilaaf u dhaxeeyay labadooda.

Cali ayaa ka qalinjebiyay jaamacad halka ay Aasiyo dhiganeysay kuleej oo aysan weli dhammeyn.

Maxaa sababay inuu falkan geysto?

Sheekh Horseed ayaa sheegay inay jirtay dhacdo tan ka horreysay oo ah in qiyaatsii bil iyo bar kahor ay booliiska magaalada dileen wiil ay qaraabo iyo saaxiibbo ahaayeen Cali, kaasoo looga shakiyay fal dhac banki ah.

“Dad isaga u dhow ayaa sheegay inuu isku buuq ka qaaday arrintaas, waxaana ay sheegeen in maskaxiyan uusan caadi ahayn,” ayuu yiri.

“Waxaa laga yaabaa in maaddaama xaaladdiisa inaysna fiicneyn la sheegay ay gabadhii isku dayday inay xiriirka ka baxdo amaba baajiso guurka,” ayuu intaa raaciyay.

Is dilka dhalinyarada Soomaalida dhexdooda ayaa bilihii ugu dambeeyay kusoo badanayay gobolka Ohio, sida uu sheegay Sheekh Horseed.

Waaxda Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa laga soo xigtay in heerarka is dilka ee dalkaasi ay kordheen 36% intii u dhaxeysay sanadihii 2000–2021.

Ilaa 48,183 ayaa isu dishay Mareykanka sanadkii 2021, taasoo ka dhigan in 11-kii daqiiqaba uu qof is dilay.

Qofka oo naftiisa dila ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee dhimashada sababa dalkaas Mareykanka.

Soomaalida dhexdooda, ayuu Sheekh Horseed sheegay inay walaac xooggan ka qabaan dilalka dhalinyarada dhexdooda ee soo badanaya isla markaana ay socdaan shirar arrintaas looga arrinsanayo.

“Labadii bilood ee u dambeysay malaha waa ilmihii ssaddexaad ama afaraad weeyaan baan oran karaa ee Soomaali ah. Maalmahan oo dhan waxaan ku jirnay la tacaalidda is dilka oo xargo goostay,” ayuu yiri.

“Aannagoo howlahaas ku jirnay ayay arrintan timid oo argagax nagu noqotay,”

Hubka ayaa ka ah Mareykanka wax uu qofku heysan karo, taasoo in badan dood ka dhalisay dalkaas, maaddaama ay bateen dilalka dhalinyarada dhexdooda ah.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo mamnuucday aalado uu TikTok ka mid yahay
Next articleCaabudwaaq oo lagu Soo Bandhigay Ciidamo iyo Gaadiid ka Qayb qaadanaaya Xoraynta Degmada Ceelbuur(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here