Home galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo uga qeyb galay tababar loo soo xiray ciidamo...

Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo uga qeyb galay tababar loo soo xiray ciidamo cusub( Sawiro dheeraad ah)

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug aya Maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Taliye Indha-Qarshe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug,kan Degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa si wada jir ah tababar ugu soo xiray Magaalada Gaalkacyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ee Xooga dalka Soomaaliya.

Munaasabadda Ciidanka tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Danab ee Maamulka Galmudug  iyo In ka badan 70 askari,kuwaasi oo dhameystay tababar muddooyinkii dambde u socday.

Ugu dambeyntii Munaasabada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Taliyaha Ciidanka Danab ee deegaanada Galmudug Cabdicasiis Cabdullaahi,sidoo kalena waxaa Ciidamada lagula dardaarmay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here