Home Wararka Caalamka Ruushka Oo Hanjabaad Culus soo Diray Xili ukrain uu iska Caabin Xoogan...

Ruushka Oo Hanjabaad Culus soo Diray Xili ukrain uu iska Caabin Xoogan kala Kulmay

0

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ciidankoodu qaadi doonaan wax lagu tilmaamay duullaankii ugu waynaa oo lagu doonayo in lagu soo afjaro iska caabinta xooggan militry-ga Ukraine ku sameeyeen ciidamada Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu hawadiisa ka mamnuucay dhammaanba diyaaradaha ay leeyihiin dalalka hawadooda ka mamnuucay diyaaradihiisa.

Dagaalka xooggiisa ayaa iminka ka socda bartamaha magaalooyinka Kyiv, Odesa oo koonfurta ku taal iyo Kharkiv oo dhacda waqooyiga-bari ee Ukraine sidaasi waxaa sheegay Madaxweyne Zelensky.

Ruushku waxay sheegteen inay qabsadeen magaalada Melitopol, laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin, walow internet-ka ay wareegayaan muuqaallo muujinaya ciidamo iyo dabaabaadka Ruushka oo hor taagan saldhig tareen oo Melitopol ku yaal, iyadoo calanka Ruushka la suray albaabka maxaddada tareenada.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 120,000 kun oo qof ay ka qaxeen dirirta Ukraine muddo 48 saac gudaheed ah.

Ad
Previous articleC.Qaadir C.llaahi lugey oo goordhow la dilay iyo Faahfaahin laga helay Dilkiisa
Next article4 Kursi oo ka Mid Noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here