Home galmudug Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo cadeeyay sababta ciidanka dowlada ula wareegeen Madaxtooyada...

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo cadeeyay sababta ciidanka dowlada ula wareegeen Madaxtooyada Cadaado (Dhageyso Codka)

0

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa ka hadlay Ciidamadii habeen kahor la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Carabeey oo Wareysi siiyay warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadii Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado la wareegay ay yihiin Ciidamo loogu tala galay sugida amniga xarunta,isla markaana lagu geeyay codsi ka yimid maamulka Degmada iyo Beelaha wadda dega deegaanka.

Sidoo kale waxa  uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug in halkaasi laga saaray Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee joogay mudooyinkii dambe oo gacanta ku haayay amniga Madaxtooyadda,isagoona xusay in dhowr jeer oo horey Maleeshiyaad hubeysan ay isku qabsadeen Xarunta,hayeeshee markii dambe xal laga gaaray .

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Carabey.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here