Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dalka Dib ugu Soo laabtay iyo Villa...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dalka Dib ugu Soo laabtay iyo Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynuhu inta uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu xoogga saaray;

-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Ad
Previous articleShir looga hadlaayay abaaraha ba.an ee ku Habsaday Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)
Next articleDhalinyaro Dalka Dibadiisa Ku Xirnaa oo Xabsiga laga Soo Daayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here