Home Wararka Maanta Alshabaab oo Laga Xiray Wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen Markii Galmudug...

Alshabaab oo Laga Xiray Wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen Markii Galmudug laga soo saaro

0

Wararka aan ka Helayno Xaduudka Gobalka Shabeelada Dhexe iyo Galgaduud ayaa Sheegaaya in la jaray marin Muhiim ahaa oo Alshabaab isaga gudbi Jireen Shabeelada Dhexe iyo Gabolka Galgaduud.

Ciidamada Dowlada oo uu hogaaminaayo Taliye Shaah Ma cabe ayaa Maantay Si Buuxda Ula wareegay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Shabeelada Dhexe oo maalmihii Lasoo Dhaafay Alshabaab ku Sugnaayeen.

Degmada Ruunirgood ayaa waxay ku taalaa Soodinta Shabeelada Dhexe iyo Gobalka Galgaduud waana halka ay iska galaan Maamulka Hirshabeele iyo Galmudug Qabashada Magaaladaan ayaa Alshabaab ku ah Dhabar jab soo gaaray maantay.

Ciidamada Dowlada ayaana Haatan ku sugan Xarunta Degmada Ruunirgood.Hilowle Gaab, iyo Ceelbacad Alshabaab ayaana Dhowrkii Bilood ee lasoo Dhaafay Ku sugnaa Kadib Markii weerero Ciidamada Dowlada lagu laayay Dhowr jeer ku soo qaadeen.

Alshabaab ayaa Haatan intabadan kabaxay Gobalka Shabeelada Dhexe Ciidamada Dowlada ayaana Fariisimo kasamaysatay Wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen Ciidamada Kusugan Galhareeri iyo Ceelbuur si ay ugu gudbaan Hirshabeele.

sidoo kale Ciidamo uu hoogaaminaayo Taliye ismaaciil Cabdi maalik ayaa Dagay Meel ku Dhow wabxo  oo ay iska galaan  Degmada Maxaas iyo Degmada Ceelbuur waana wadadii ugu danbaysay ee Alshabaab u furnayd si ay ugu Baxsadaan.

Dhuusamareeb ayaana laga Dareemaayaa Diyaargarowgii ugu danbeeyey ee lagu wajahaayo ceelbuur iyo Galhareeri oo Haatan u Muuqata in Alshabaab dhulkaas uga dhamaatay.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howdka Ka wada Baadi Goobka Alshabaab
Next articleBeesha Reer Xaaji Saleebaan oo Soo Bandhigay 1000 Askari oo Ka Qayb Galaaya Dagaalka Alshabaab Looga Saaraayo Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here