Home Wararka Somaliya Galmudug oo war kasoo saartay Ciidamo Galmudug ah iyo Saraakiil lagu dhaawacay...

Galmudug oo war kasoo saartay Ciidamo Galmudug ah iyo Saraakiil lagu dhaawacay Bada

0

Hawlgal Ciidamada Ilaalada xeebaha Galmudug ay  dhawaan ka sameeyeen xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeysa  Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen Ciidamada.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhaay 11-kii Bisha  April 2021 uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa.

Sidoo kale Warka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug oo iska difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in  doontaas ay ka cararto halkaas weerarka ka dib.

Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo  kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha degaannada Galmudug.

Ad
Previous articleGalmudug oo Fariin udirtay Warbaahinta Dowladda iyagoo ka dugay Magaca Samareeb (Akhriso)
Next articleSawiro: Puntland oo Gaalkacyo ku soo bandhigtay Ciidan kasoo goostay Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here