Home galmudug Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug oo ka hadlay Ciidanka Dowlada ee la wareegay Madaxtooyada...

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug oo ka hadlay Ciidanka Dowlada ee la wareegay Madaxtooyada Cadaado ( Dhageyso Codka)

0

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Ciidamadii xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ay ku laheyd Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe oo ah Agaasimaha Madaxtooyadda Galmudug oo ku sugan Gaalkacyo lana hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Nasiibdaro ay tahay in Ciidamada 21-aad kuwa Danab iyo Nabadsugida ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyadda Galmudug ay ku laheyd Cadaado,halkaasi oo ay joogeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimaha in Ciidamada halkaasi la wareegay sababta ay u qabsadeen Xarunta aan lagu soo wargelin maamulka Galmudug,isla markaana waxa uu sheegay in Ciidamada Danab ee joogay Gaalkacyo ay gurmad ahaan u aadeen Cadaado,iyagoona weerar kula wareegay Madaxtooyadda.

Isagoo sii hadlaayay ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka dooneyso ay fowdo ka abuurto deegaanada Galmudug,iyadoo xamar dadka shacabka ah lagu xasuuqayo,waxaa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Aaadan Gaboobe ayaa xusay in Dowlad Goboleedka Galmudug ay Ciidmada Daraawiishta amar ku siiyeen inay u diyaar Garoobaan la socodka Waxyaabaha ay dowladda Soomaaliya ka wado deegaanada maamulka Galmudug.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Agaasimaha Madaxtoyada

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here