Home Wararka Maanta Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka...

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka Masar

0

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn.

Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sanadkii 2014-kii – isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay. Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018. Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo.

Ad
Previous articleAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo musuq lagu eedeeyay xayiraad socdaalna la saaray
Next articleBishaaro Balaayo oo Maantay Xabsiga Loo Taxaabay iyo Xeer ilaalinta oo War kasoo saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here