Home galmudug Dhageyso Afar qof oo loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geestay Caaisha ilyaas...

Dhageyso Afar qof oo loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geestay Caaisha ilyaas oo 14 sano jir aheyd.

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falka arxan darada ahaa ee halkaasi loogu geystay Caaisha Ilyaas Aadan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  falkii  kufsiga iyo dilka isugu jiray ee habeen kahor loo gesytay Caaisha Ilyaas oo 12 jir aheyd loo soo qabtay  afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen falkaasi,isla markaana cadaalada la horkeeni doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir  in hadii kiiskaas uu ku cadaado afarta ruux ee lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyaan Goob fagaaro ah lagu toogan doono,waa sida uu hadalka u dhigay.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Gudomiyaha.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here